Yaasmiin Saalax Cumar oo markale sheegtay in ay tahay Musharax Xildhibaan

Gudoomiyaha haweenka iyo arrimaha qoyska gobolka Gardafuu Yaasmiin Saalax Cumar ayaa sheegtay in ay tahay musharax u tagaan xubinta golaha wakiilada Puntland ee sanadka 2019-ka

Yaasmiin Saalax Cumar ayaa hal ku dhig ka dhigatay Aqoon, Midnimo, Horumar iyo Cadaalad.

..Waxaan ka codsanayaa shacabka reer Puntland inay igu taageeraan sidaan ugu guulaysan lahaa xilkaasi si aan uga shaqeeyo hormarka dadka iyo dalka ayey tiri Yaasmiin Saalax Cumar .

Yaasmiin Saalax Cumar ayaa ku adkaysatay in loo baahan yahay sanadkan in haweenka ka soo dhex muuqadaan golaha wakiilada cusub ee Puntland, kuwaasi oo ka imaanaya gobolka Gardafuu, maadaama doorashadii hore meesha laga saaray doorkii haweenka ee gobolka

Bisha food nagu soo heysa ayaa lagu wadaa in la kala diro golaha wakiilada Puntland, isla markaana qorshuhu yahay in Puntland gasho jawi doorasho guud.

Be the first to comment

Leave a Reply