NISA oo qabatay Rag al Shabaab AH,,

Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib hawlgal gaar ah oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Shacabka degmada ayaa bixiyay macluumaadka lagu soo qabtay raggan ka tirsan Ururka Al Shabaab ee ciidamada ammaanka dowladda federaalka ay qabteen, sida ay inoo sheegeen ilo xog ogaal ah.

NISA ayaa sheegtay hawlgalkan oo ahaa mid qorsheysan inuu dhacay habeenkii Khamiista, islamarkaana raggan waqtiyo badan baadi goob iyo dabagal ay ciidamada ku hayeen.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, ragga la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarita ee ciidanka dowladda federaalka.

Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa lagu yiri “23-kii August xili habeen ah ciidanka nabadgelyada Dowladda Federaalka ah ayaa degmada Wadajir waxa ay hawlgal ku soo qabteen laba shakhsi oo argagaxisada Al Shabab ah, hawlgalkan oo lagu sugayay nabadgelyada dadwaynaha Soomaaliyeed,  cidna wax kuma noqon.”

Labadan nin ee la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magacyadooda, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiraan gacanta dowladda.

 

Qardho online 2018

Be the first to comment

Leave a Reply