DHAGEYSO-Khasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay Jalalaqsi,,

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Hiiraan, qarax khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa ka dhacay magaalada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa Miino lagu aasay wadada dhinaceeda ayaa wuxuu qabsaday mid ka mid ah gaadiid kolonyo ah oo ay la socdeen ciidan ka tirsan kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah hawlgalka AMISOM.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday qaraxan Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Jabuuti, sidoo kale waxaa ku dhaawacantay laba askari, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Ciidan gurmad ah ayaa gaaray goobta qaraxa lagula eegtay ciidankan, waxayna halkaasi ka qaadeen askartii ku waxyeelowday qaraxan, iyada oo intaasi kadib ciidamada ay bilaabeen baaritaan amni xaqiijin ah.

Wadada ciidamada qaraxa lagula eegtay ayaa dhawr mar oo hore sidan oo kale waxaa uga dhacay qarxaxyo, kuwaasi oo khasaare geystay, islamarkaana ay masuuliyadooda sheegteen Shabaab.

 

Qardho online 2018

Be the first to comment

Leave a Reply