magacyada: Xujey Soomaaliyeed oo ku geeriyootay magaalada Mina,,

Labo ka mid ah xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan gudanayay waajibaadka xajka ayaa ku geeriyooday magaalada Mina oo 5km u jirta magaalada Barakeysan ee Maka iyo Banka Carrafo.

Xujeyda Soomaaliyeed ee ku geeriyooday magaalada Mina ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xaaji Axmed Saalax iyo Xaaji Xasan Maxamed jimcaale.

Geerida xujeydan Soomaaliyeed ayaa timid kadib markii ay isbuurasho ka dhacday magaalada Mina.

Sidoo kale isbuurashadan ka dhacday magaalada Mina ayaa waxaa ku geeriyooday xujey kala socota qaar ka mid ah dalalka islaamka.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Sacuudiga ayaa sheegay in meydadka labadaasi ruux ay kusii jiri doonaan firinjeerada meydadka lagu keydiyo ilaa iyo inta uu ka dhamaanayo gudashada waajibaadka Xajka.

Xujey kala socota dalalka islaamka ayaa inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka xajka ku geeriyooday isbuurasho ka dhacda goobaha barakeysan.

 

Qardho online 2018

Be the first to comment

Leave a Reply