Magaca iyo Calanka Dowlad deegaan somalida oo la bedelay,,

Madaxweynaha cusub ee KMG dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mustaf Muxumed Cumar (Mustaf Cagjar) ayaa sheegay in la bedelay magacii maamulka ee ahaa dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya wixii hada ka dambeeyana laga dhigay degaanka Soomalida (Somali State).

Wuxuu kaloo sheegay Madaxweynaha cusub ee DDSI in la soo celinayo calankii uu horey u lahaan jiray maamulkan, kaasi oo dhexda ku lahaa xidig, ayna horey u ansixiyeen Baarlamaankii ugu horeeyay ee maamulka.

Madaxweynaha cusub ee DDSI ayaa sheegay inuu wax badan ka qaban doono arrimaha bulshada iyo sidoo kale sidii shacabka ay uga gudbi lahaayeen arrimaha qabaa’ilada.

Arrintan ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay Shacabka degaankaasi, kuwaas oo aad ula dhacsan in guud
ahaanba laga guuro muuqaaladii nidaamkii hore ee uu hogaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Guddiga fulinta ee shacabka Dimuqraadiyadda Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa shalay Madaxweyne KMG ahna Madaxweyne Ku xigeenka u doortay Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Ninkan la doortay ayaa ka mid ahaa xubnihii Mucaaradka, waxaana Guddiga Fulinta ay u doorteen hoggaanka Dowlad deegaanka inta laga soo dooranaayo Madaxweyne.

Qardho online 2018

Be the first to comment

Leave a Reply