Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo sameysay xil ka qaadis iyo magacaabis,,

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada degmada Balcad ee gobolka shabeellaha dhexe Axmed Duqoow.

Xilka guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Balcad ayaa loo magacaabay Axmed Xuseen Xassan.

Ha’yadaha amniga ayaa la faray inay la shaqeeyaan Axmed Xuseen Xassan si u guto wajibaadka loo igmaday.

Maamulka Hirshabeelle ayaa inta badan ku mashquulsan magacaabista iyo xil ka qaadista maamulada degmooyinka gobollada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe iyadoo inta badan isbedel lagu sameeyo gobolka Hiiraan taasoo dad badan  ay is weydinaya sababta keenta.

 

Qardho online 2018

Be the first to comment

Leave a Reply