DEG DEG-Ciidamo ku dagaallamay Magaalada Beledweyne,,,

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada hay’adda Nabad suggida ee NISA ee ka howlgalla Beledweyne uu maanta dagaal dhexmaray.

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal dagaalka ayaa uu yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan NISA ay ka gadoodeen taliye cusub oo loosoo Magacaabay.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday muddo dhowr daqiiqo ah, waxaana  ugu dambeyntii maamulka gobolka Hiiraan ay ku guuleysteen in ay dagaalka joojiyaan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga ayaa la sheegay sidoo kale in ay kala dhex galeen ciidamada dagaallamaayay.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada NISA ee qeybtooda gobolka Hiiraan.

Qardho online 2018

Be the first to comment

Leave a Reply