Qeybo ka mid ah degaanada Dowlad Goboleedka Galmudug oo aan maanta laga ciidin,,

Wararka naga soo gaaraya degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in degmooyin ka tirsan maanta aan laga ciidin.

Degmada Guriceel iyo degmooyin kale oo ka tirsan Galmudug ayaa dadku maanta soo man yihiin.

Madaxa Garsoorka degmada Guriceel ayaa ku dhawaaqay in ay maanta soo man yihiin, islamarkaana ay kasoo horjeeddaan in maanta la ciido.

Sidda uu sheegay Madaxa Garsoorka degmada Guriceel degaanadii horay ay uga arimin jireen maamulka Galmudug ee hadda Galmudug ay ka taliso oo dhan maanta  laga sooman yahay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in dhankooda bisha ay maanta u tahay 9, islamarkaana maalinta Berri ah ay Ciidi doonaan.

 

Qardho online 2018

Be the first to comment

Leave a Reply