Wabiga Shabeelle oo Fatahaad Sameeyay…..

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyay in wabiga Shabeelle uu fatahaad ku sameeyay degmada Walaweyn iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Shirkii golaha wasiirada Maamulka koofur galbeed Soomaaliya ayaa si weyn loogu dooday sida looga hortagi karo fatahaada wabiga Shabeelle uu ku sameynayo degaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in si wadajir ah loogu hortago sidoo kalena la sameeyo qorshayaasha la xiriira howlahaasi.

Xasan Cabdi oo ah Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in wasiirka beeraha uu golaha wasiirada la wadaagay xaalada fatahaada iyo howlaha wasaarada beeraha.

Waxa uu sidoo kale sheegay in lagu balamay in shacabka gobolka Sh/Hoose la caawiyo gaar ahaan kuwa uu saameeyay fatahaada.

Fatahaada wabiga Shabeelle ayaa dhawaan saameyn ku yeeshay dadka ku nool gobolka Hiiraan, waxaana fatahaada uu sameeyay ka dhashay barakac iyo in hanti badan ay ku waxyeeloowday.

SHARE

Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply