Japan oo 7 ruux xukun dil ah ku fulisay…..

Dawladda Japan ayaa dishay toddobo ruux oo xubno ka ahaa koox la baxday qiyaamaha Aum Shinrikyo, kuwaas oo sannadkii 1995tii gaystay weerar waxyeelo badan gaystay oo ay u adeegsadeen kiimiko neerfaha waxyeesha.

Dadkaas la dilay waxaa ka mid ahaa Shoko Asahara oo ahaa hogaamiyihii kooxda.

Weerarkii sunta loo adeegsaday ee dalka Japan ka dhacay ayaa ahaa midkii argagixiso ee ugu darnaa waxaa ku dhintay 13 ruux, waxaana ku dhaawacmay kun ruux oo kale

Lix xubnood oo kale oo kooxdaas ka tirsanaa ayaa wali lagu hayaa xabsi la galiyo dadka dilka ku xukuman.

Be the first to comment

Leave a Reply