Daawo”Sawirada:-Balcad Ciidamo La Isku Dhafay…….

Ciidamada Maamulka Degmada Balcad ayaa isku dhaf lagu Sameeyay kadib Shaqaaqo maalin kahor kadhacday Gudaha Degmada Balcad.

Ciidamadan oo isugu jiro Booliis Nabadsugid iyo Militiri ayaa la isku dhafay kadib amar kasoo baxay Masuuliyiinta Degmada Balcad.

Munaasabada la iskugu dhafayay Ciidamada ayaa waxaa ku sugnaa Guddomiyaha Degmada Balcad,Guddomiye Kuxigeenka Ahna Guddomiyaha Amniga Degmada Balcad,Taliyaha Nabadsugida Degmada Blacad,Taliye kuxigeenka Booliska iyo Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Degmada Balcad.

Guddomiyaha Degmada Balcad Mudane Qaasim Cali Nuur(Qaasim furdug) oo Munaasabada ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Laga bilaabo manta aan Qori lagu dhex qaadan karin Gudaha Magaalada’islamarkaana Cidii lagu Arko iyadoo Qori ku dhexsidata magaalada ay la kulmi doonto Ciqaabteeda,Waxaana Hadalkaas la Qaatay Guddomiyaha Masuuliyiinta kale Ee Maamulka Degmada Balcad.

Hoos Ka Dawo Sawirada:-

Be the first to comment

Leave a Reply