Golihii wasiirada maamulka Jubaland oo isku shaandheyn lagu sameeyay

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa wareegta uu kasoo saaray xafiiska xalay isku shaandheyn lama filaan waxa uu ugu sameeyay Golihiisa Wasiirada, waxaana isku shaandheyntan kasoo muuqday xubno cusub oo kamid noqday golihiisa wasiirada.

Ku dhawaad 11 wasiiro ah ayay saameysay isku shaandheyntani uu sameeyay madaxweyne madoobe,waxaana wasiirada qaar loo kala badalay wasaaradihii ay xilal ka hayeen,halka qaar kalena ay galaafatay isku shaandheynta.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee maamulka Jubaland ayaa loo magacaabay Aadan Ibraahim Aw Xirsi oo ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhow dhow Axmed Madoobe oo markii horaba hubanti ka dhigaysay in wasiir Aadan uu helayo xil wasiir hadii isku shaandheyni dhacdo.

Halkan hoose ka akhriso wareegatada isku shaandheynta

 

Qardho Online 2018

Be the first to comment

Leave a Reply