Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdi ka socda dowladda Qatar oo gaaray Magaalada Hobyo…..

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Dakadda leh ee Hobyo Gobolka Mudug.

Safarka Madaxweyne Xaaf, waxaa ku wehliya masuuliyiin ka socota Dalka Qatar, kuwaasi oo Muqdisho u yimid qiimeynta dakadaha Somaliya iyo habka ugu wanaagsan ee maalgashi loogu sameyn karo.

Sidoo kale Safarka waxaa qayb ka ah Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Xuseen Iidow, Xildhibaan Ubax Tahliil iyo siyaasiyiin kale. Waxaana wafdigaan kormeer ku tageen dekedda magaalada Hobyo, sidoo kale waxa ay kulamo la qaadan doonaan masuuliyiin ku sugan halkaas.

Wafdiga Qatar ka yimid ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxayna la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, iyaga oo isla maanta aaday Magaalada Hobyo.

Galmudug ayaa wada qorshe ku aadan sidii dakada magaalada Hobyo loogu raadin lahaa maalgashi iyo dib u dhis ballaaran, maadaama hadda Galmudug ilaha dhaqaalaha ugu wayn ee ay ku tashaneyso ay tahay Dakadda Magaaladaasi.

Ammaanka Magaalada Hobyo, ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana daafaha Magaalada buuxa ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply