Faahfaahin: Khasaaraha dagaalkii Shabaab iyo Dadka deegaanka ee Koofurta Mudug……

Warar dheeraad ah waxey ka soo baxeysa Khasaaraha ka dhashay Dagaal soo bilwoday gelinkii danbe ee xalay kaa soo gaaray Duhurnimadii Manata, una dhexeeya Dagaalamayaasha Shabaab iyo Maleeshiyaad dadka deegaanka ah.

Dagaalka ayaa ka dnabeeyay kadib markii maleeshiyo deegaanka ah ay weerar ku qaadeen deegaanka Caad ee Koofurta Gobolka Mudug, Caad Waxa ay 50 Km ujirtaa Xarerdheere oo Shabaab saldhigooda ugu weyn ee Mudug ku yaalo.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isugu adeegsaday ayaa waxaa ka dhashay kahsaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, dad Shacab ah iyadoo hanti badanna Khasaartay.

Maleeshiyaadka deegaanka ayaa ka gadooday amar ay ku soo rogeen Shabaab taasoo la xiriirtay iney bixiyaan Xoolo farabadan oo looga qaadanayo Zakwaad ahaan, Sidoo kalena ay keenaan Wiilashooda si ay uga mid noqdaan safka hore ee dagaalka Shabaab.

Maleeshiyada deegaanka oo weerarka Gelinkii dnabe ee xalay lahaa ayaa usuura gashay iney Shabaab dagaal ugala wareegaan deegaanka Caad, waxaana amrkii danbe Shabaab ay jareen isgaarsiintii iyadoo Gurmad xoogan uu uga yimid dhanka Xarardheere.

Gurmadka Shabaab soo gaaray ayaa sbabay in dagaalka dib uu uqarxo, waxaana markii dnabe deegaanka laga saaray Maleeshiyaadkii isa soo abaabushay, iyadoo Khasaare xoogan lagu gaarsiiyay weerarka dnabe.

Odayaashii Hogaamineysay weerarka ka dhacay Caad, waxey saxaafada gudaha usheegeen in dagaalamayaal badan oo Shabaab ah ay dileen, sidoo aklena hub xoogan ku qabsadeen weerarkii Caad.

Sidoo kale, Shabaab warar ay ku faafiyeen baraha lagu taageero waxey ku sheegeen in dagaalka ay ku dileen 15 Ruux oo ay ku sheegeen iney ahaayeen Murtadiin soo weeraray sida ay sheegeen.

Dadka ay dileen ayey shabaab ku sheegteen inuu ku jiro Ninkii duulaankaa hogaaminayay oo ay Magaciis  ku sheegeen Goobe Guree.

Majirto wax war ah oo wali ka soo baxay Dowladda Dhexe iyo Maamulka Galmudug oo la xiriira dagaalka ka dhacay Koofurta Gobolka Mudug, waxaana dhowr jeer deeganaadaas ku dagaalamay Shabaab iyo Dadka deegaanka oo diidan iney bixyaan Xoolo Shabaab Zakawaad ay ku sheegeen

Be the first to comment

Leave a Reply