Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Oogaroonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirrada.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka ee 17-jirrada Soomaaliya ayaa soo gaaray Muqdisho, iyadoo Safarkooda uu qeyb ka yahay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed, kaas oo ka qeybgaley kama dambeysta ciyaaraha bariga iyo Bartamaha Qaarada Afrika.

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha, mas’uuliyiin ka socotey xafiiska Madaxweynaha, mas’uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Xulkaq 17-jirada ee Soomaaliya

Ciyaartoydan lagu soo dhaweeyey Muqdisho waxay kaalinta 2-aad ka galeen Koobka Dhallinyarada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi, kaasoo Sanadkan ay la tagtay Tanzania.

Ciyaartoyda qaranka Soomaaliya ayaa natiijo fiican ka soo hooyey tartanka ciyaaraha Bariga iyo bartamaha Qaarada Afrika madaama markii ugu horeysay ay gaareen kama dambeysta ciyaarahan iyaga hanaan ciyaareed qurux bandanna ku soo bandhigay Bujambuura.

Somalia ayaa Ciyaartii Finalka Koobkaas waxay la qaadatay dhiggeeda Tanzania waxaana lagu kala Baxay 2-0 oo Soomaaliya looga adkaaday ciyaartii Kama dambeysta, xulka Uganda ayaa kaalinta 3aad ka galay koobka Kenya ayaana ku dhammeysatay kaalinta Afaraad.

Be the first to comment

Leave a Reply