Dal Afrikaan ah oo Canshuur kusoo rogaya dadka isticmaala baraha bulshada-[Waa kee]

Bosaso-[Qardhoonline]-Dowlada Uganda ayaa wada qorshe uu canshuur ugu soo rogayo dadka isticmaala baraha bulshada ee kunool dalkaasi , waxaana talaabadan si gaar ah u saameeneysa dadka isticmaala Facebook, Twitter iyo Whtspka.

Wasiirka Dhaqaalaha dalka Uganda Matia Kasaija ayaa sheegay in dowlada wado qorshe a canshuur ugu soo rogeso dadka isicmaala baraha bulshada marka la gaaro bisha july ee sanadkan.

Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa dhawaan warqad uu u diray Wasiirka Maaliyada iyo saraakiil kale uga dalbaday in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay muhiim tahay in canshuur lagu soo rogo.

Talaabadan dowlada Uganda wado aYna ku dooneyso in dadka isticmaala baraha bulshada canshuur ugu soo rogto waxaa canbaareeyay kooxaha u dooda xaquuqda aadaha ee dalkaasi oo sheegay in falkan u muuqdo mid caburin ah.

dalal badan oo Afrikaan ah ayaa si aan kala joogsi lahayn looga isticmaalaa Baraha AY Bulshadu ku wada xiriirto iyadoona dadka kunool badi Qaaradan Madow ee Africa ay yihiin kuwa shaqo la,aan ah oo inta badan isku mashquuliya Baraha Bulshada.

 

Qardhoonline 2018

Be the first to comment

Leave a Reply