Mareykanka: Haweenay ka tirsan Aqalka Senet-ka oo ku dhex umushay Xafiiskeeda

Washington-(Qardhoonline)-Senatarad Tammy Duckworth oo 50=jir ah aya gabar ku umushay Xafiiska, waana haweeneydii ugu horreysay ee ka tirsan Aqalka Senedka Maraykanka ee umusha, iyadoo weli joogta Xafiiska.

Tammy Duckworth oo horey u ahayd Duuliye ka tirsan Milliteriga Maraykanka waxay labadeeda lugood ku weyday, markii ay Diyaarad Helikopter ah kula burburtay dalka Iraq sannadkii 2004-tii.

Haweeneydaasi oo ah Mudane ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doortay Gobalka Illinois waxay Barteeda Twitter-ka soo dhigtay inay gabadha ay umushay ugu magac dartay Maile Pearl Bowlsbey oo ahayd Eedadii ninkeeda, taasi oo Kalkaaliye Caafimaad ku shaqeyn jirtey muddadii uu socday Dgaalkii 2-aad ee Adduunka.

Sidoo kale, Tammy Duckworth waxay Twitter-keeda ugu mahad celisay Qoyskeeda iyo Kooxda Caafimaadka.

Haweeneydaasi waxay cunugeeda 2-aad dhashay sannadkii 2014-kii, xilligaasi oo ay ka shaqeynaysay Aqalka Wakiiladda ee Maraykanka (The US House of Representatives)

Xigasho: BBC NEWS

Xafiiska Qardhoonline

Boosaaso

Be the first to comment

Leave a Reply