Maxay Sababta Uu Nasser Al Khelaifi Ugu Duulayo Dalka Brazil Ma in Uu la Kulmaa Saxiixa Ugu Qaalisan Dunida Neymar Junior?

Kooxo badan ayaa indhaha ku haya xaaladda Neymar Junior kaas oo lasoo sheegayo inuusan ku faraxsaneyn nolosha magaalada Paris, waxaana si weyn loola xiriirinayaa labada kooxood ee Barcelona & Real Madrid, basle Nasser Al Khelaifi kaliya inuu kala hadlo mustaqbalkiisa uma gaarin dalka Brazil.

Kadib markii ay Paris Saint Germain ku fashilantay koobka horyaalada yurub ee UEFA Champions League ayey isi soo tareen wararka la xiriirinaya inuu dib ugu laabanayo kooxdisii hore Blaugrana, waxeyna taasi soo dadajisay in milkiilaha reer Qatar oo la mataan ah agaasimaha kooxda Artero Henrique ay qorsheeyaan safar dheer oo ay ku aadayaan koonfurta America.

Wargeyska Le Parisien ayaa shaaca ka qaaday in Nasser Al Khelaifi iyo Artero Henrique ay doonayaan iney ka qeyb galaan xaflad loo qabanayo hay’adda uu leeyahay xiddiga ee dadka caawisa [Praia Grande], markii ugu dambeysay oo uu kala qeyb galo dhacdo nuucaas ah waxey aheyd November sanadkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale kaliya booqashada maahan sidaas ee sidoo kale wuxuu kala hadli doonaa arrimo ku saabsan mustaqbalkiisa, maadaama ay kooxda dhawaan xidigaan ka dhigtay kan ugu qaalisan dunida kubadda cagta.

Dhanka kale Nasser wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa ganacsato iyo kooxo kale oo aan la faah-faahin ujeedka kulamadaas mana ahan wax la xiriira ciyaariyahanka reer Brazil kaas oo hadda kasoo kabanaya qaliin cagta looga sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply