Hordhaca kulanka Man United vs Sevilla – Mourinho ma wuxuu Doonaya Iney Kooxdiisa Gaarto Semi Final-ka Koobka Champions League.

 Man United ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Sevilla kulanka lugta labaad ee koobka horyaalada yurub, waxeyna wiilasha Jose Mourinho u baahan yahiin iney guul gaaraan si ay ugu yaraan ugu soo gudbaan tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Goolhaye David De Gea ayaa badbaadinno cajiib ah sameeyay kulankii lugta hoe ee ka dhacay garoonka Ramon Sanchez Pizjuan, mar kale ayaase la filayaa inuu sidoo kale badbaadiyo kooxdiisa hadii ay bandhig cajiib ah soo bandhigto Sevilla.

XOGTA KU SAABSAN KULANKA:

Hordhac: Man United vs Sevilla – Jose Mourinho Oo Doonaya Iney Kooxdiisa Gaarto Semi Final-ka Koobka Champions League.

by Abdirashid Mohamud “SHarDinHO” | Tuesday, Mar 13, 2018

Man United ayaa gurigeeda kusoo dhaweyneysa Sevilla kulanka lugta labaad ee koobka horyaalada yurub, waxeyna wiilasha Jose Mourinho u baahan yahiin iney guul gaaraan si ay ugu yaraan ugu soo gudbaan tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Goolhaye David De Gea ayaa badbaadinno cajiib ah sameeyay kulankii lugta hoe ee ka dhacay garoonka Ramon Sanchez Pizjuan, mar kale ayaase la filayaa inuu sidoo kale badbaadiyo kooxdiisa hadii ay bandhig cajiib ah soo bandhigto Sevilla.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanku waa: Man United vs Sevilla

Tartanka: Champions League

Garoonka: Old Trafford

Saacadda: 10:45 Habeenimo (XGA)

Garsoorka: Danny Makkelie (Netherlands)

 KULANKA LABADA KOOXOOD MAXAA KA CUSUB?

Mustaqbalka Paul Pogba ayaa wali laga deyrinayaa iyadoo qof walba uu ka walwalsan yahay xidigaan reer France, lama oga hadii uu kasoo muuqanayo kulanka caawa.

Fellaini ayaa taam buuxa u ah kooxdiisa, halka Scott McTominay isna uu diyaar u yahay inuu caawa kooxdiisa wax badan caawiyo.

Marcus Rashford oo laba gool ka dhaliyay Liverpool ayaa taam buuxa ah halka Anthony Martial isna uu taam buuxa yahay.

Dhanka kale Jesus Navas ayaa dhibaato ka qaba canqawga halka Miguel Layun isna uusan diiwaanka kooxda ugu jirin.

Shaxda LABADA KOOXOOD:

Manchester United:

De Gea, Valencia, Lindelof, Smalling, Young, Matic, Fellaini, Herrera, Mata, Rashford, Lukaku

Sevilla:

Soriano, Kjaer, Mercado, Lenglet, Escudero, Banega, N’Zonzi, Sarabia, Vazquez, Correa, Muriel

Xaqiiqada DHABTA ah ee Kulanka:

Bishii lasoo dhaafay ayey labada kooxood markii ugu horeysay tartan rasmi ah is arkeen waxeyna ku kala baxeen barbaro gool la’aan ah.

Balse waxaa jira kulan saaxiibtinimo oo ay ciyaareen 2013, waxaana xiligaas guuleystay kooxda ka dhisan horyaalka La Liga.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

%d bloggers like this: