Xarunta Cilmi Baarista Caalamiga Ah Ee Kubbada Cagta CIES Oo Soo Saartay Tobanka Xidig Ee ugu bandhiga fiican

Xarunta cilmi baadhista caalamiga ah ee kubbada cagta ee CIES Football Observatory oo looga bartay in ay aduunka u soo bandhigto xogo badan oo kubbada cagta ah isla markaana si wayn loogu qiimeeyo arimo kala duwan oo Sportska ah ayaa soo saartay liiska 10 ka xidig ee xili ciyaareedkan ku cusbaa horyaalka Premier League ee sida waalida ah qiimahooda sare ugu qaaday kadib bandhig cajiib ah oo ay sameeyeen.

CIES Football Observatory oo ah xarunta kaliya ee si joogto ah u soo saarta qiimayno kala duwan oo kubbada cagta la xidhiidha isla markaana cilmi ahaan lagu saleeyay ayaa shaacisay tobanka xidig ee ay kooxaha shanta horyaal ee Yurub ugu waa wayni la soo saxiixdeen bilawgii xili ciyaareedkan ee qiimihii markaas lagula soo wareegay si wayn hadda uga qaalisan.

 

Sida lagu xusay warbixin lagu daabacay CIES Football Observatory, xididga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa noqday kan ugu layaabka badan ee qiimihiisa suuqa kala iibsiga si waali ah sare ugu qaaday bandhigii uu ka sameeyay Anfield.

Xarunta daraasaadka caalamiga ah ee kubbada cagta CIES Football Observatory ayaa qiimayntan isbarbar dhig ku samaysay qiimayntii ay soo sartay horaantii bishii September 2017 markii uu suuqii kala iibsiga xaagaagii la soo dhaafay xidhmay waxaana xogtaas ku jirtay in ciyaartoyda la qiimaynayay qaarkood lagula soo wareegay qiimo ka badan intii ay suuqa ka joogeen halka kuwo kale qiimo ka hooseeya intii ay ahaayeen lagula soo wareegay.

Sida warbixintan cusub lagu shaaciyay, Mohamed Salah aaya hadda suuqa kala iibsiga kaga qiimaysan 162.8 milyan euros wuxuuna sare u kac qiimihiisa suuqa ka sameeyay intii uu xili ciyaareedkani socday 74.7 miilyan euros waana xidiga qiimihiisu inta ugu badan sare u kacay.

Be the first to comment

Leave a Reply