tababare Jose Oo Si Layaableh Dhulka Ugu garaacay Frank de Boer kadib Qaabka Uu Ula Dhaqmay Marcus Rashford.

Waxa uu Jose Mourinho sida wayn caanka ugu yahay waxaa ugu wayn laba arimood oo kala ah qaab difaacashada uu ku ciyaaro iyo sida muranka xoogani ku jiro ee uu saxaafada uga hor weeraro shaqsiyaadka ay kubbada cagta isku af-garan waayaan. Jose Mourinho ayaa weeraro afka ah ku soo qaaday tababarayaal, ciyaartoy, shaqaale caafimaad, carruurta kubbada soo qabata iyo xataa maamulada kubbada cagta ee dalalkii uu ka soo shaqeeyay ama maamulada FIFA iyo UEFA.

Laakiin dhirbaacadii ugu danbaysay ee Jose Mourinho ayaa ku dhacday macalinka ree Holland ee Frank de Boer kaas oo dhawaan Jose Mourinho ku eedeeyay qaabka uu ula dhaqmo da’yarka xulka qaranka England iyo kooxda Manchester United ee Marcus Rashford kaas oo kulankii Liverpool laba gool ka dhaliyay markii fursad la siiyay

Jose Mourinho ayaan ahayn macalin ka leexda nooca erayada uu u xulanayo shaqsi uu weerar ku qaadayo ama uu iskaga jawaabayo, waxaana la xusuustaa erayo khaas ahaa oo uu Antonio Conte ugu weeraray in kulamo uu sii go’aamiyay lagu ganaaxay.

Laakiin markan erayada kooban ee uu ku duray Frank de Boer  ayaa ah kuwo uu si wayn u soo xushay isla markaana macalinka ree Holland boog xun ku ah isaga oo ku sifeeyay tababarihii ugu liitay ee taariikhda premier League soo maray wuxuuna erayo kooban ku soo ku soo qaatay wixii uu Frank de Boer  ka qabtay Crystal Palace.

Jose Mourinho oo aan waxba ula hadhin Frank de Boer isla markaana uga jawaabaya eedaymihii uu ugu soo jeediyay Rashford ayaa yidhi: “Waxaan akhriyay odhaaho laga soo qaaday tababaraha taariikhda Premier League ugu xun ee Frank de Boer- Todoba kulan, todoba guuldaro, ebar gool”. ayuu Mourinho saxaafada ka hor sheegay ka hor kulanka Sevilla

 

Ciyaaraha-QARDHOONLINE

Be the first to comment

Leave a Reply