Michael Carrick Oo Xaqiijiyey In Uu Ka Fariisan Doono Kubadda Cagta Dhammaadka xili ciyaareedkan

36jirka waxa uu soo rogi doonaa daahigii waayihii ciyaareed ee aadka ugu quruxda badnaa.

Michael Carrick waxa uu xaqiijiyey in uu ciyaaraha ka fadhiisan doono dhammaadka xilliciyaareedkan.

Laacibka khadka dhexe ee Manchester United oo ay da’diisu gaadhay 36da sano waxa uu joogay OldTrafford 12 sano laakiin waxa uu go’aansaday in uu meel iska suro kabihiis.

“Waxaa imaada waqti jidhkaaga kuu sheegayo in aad joojiso ciyaarista kubadda cagta waana halka aan adda joogo,” ayuu yiri Carrick.

Laakiin 36 jirka kaas oo qaliin looga sameeyey wadnaha bilowgii xilliciyaareedkan ayaa door yar ku lahaa kulamada kooxda waxa uuna go’aansaday in uu soo gabagabeeyo

CIYAARAHA-QARDHOONLINE

Be the first to comment

Leave a Reply