Dumarka Sacuudiga oo loo ogolaanayo garoommada Ciyaaraha

 

Dadka mayalka adag ayaa daleecayn wayn soo jeediyay markii dumarka loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan maalinta qranka oo lagu xusay garoonka ciyaaraha
Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii u horraysay dumarka u ogolaan doonta in ay daawadaan ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Qoysaska ayaa awoodi doona in ay galaan garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam.
Waa tallaabo kale oo xorriyad dheeraad ah lagu siinayo dumarka Sacuudiga oo ay saaranyihiin xayiraando jinsi ku salaysan, waxayna arrintani dabo socotaa xayiraddii wadidda baabuurta ka saarnayd ee dhawaan laga qaaday.
Maxamed Bin Salmaan ayaa wada qorsheyaal waawayn oo uu ku casriyaynayo Sacuudiga, kuna kordhinayo dhaqaalaha.
Waaxda maamusha ciyaaraha Sacuudiga ayaa sheegtay in ay billaabayaan qabanqaabada hirgalinta arrintan si ay u awdoodaan “in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horraanta sannadka 2018ka.
QM: Isbadalada dhaqaale ee Sacuudiga waxay faa’iido u tahay dumarka
Sacuudiga: ‘Shaqaale lagu xukumay xabsi markii ay mishaar waydiisteen’
Maxaad kala socotaa dhaxal sugeyashii eersaday dhaliisha boqortooyada Sacuudiga?
Maxaa sababay in Snapchat ay Aljazeera ka xayirto Sacuudiga?
Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Inkastoo isbadallo la sameeyay dhawaan, haddana wali xayiraado ayaa saaran dumarka Sacuudiga
Makhaayado, goobaha lagu qaxweeyo iyo shaashado ayaa laga dhisi doonaa garoomada dhexdooda kuwaas oo qayb ka ah isbadallada la samaynayo.
Hadda wixii ka horreeyay garoomada ciyaaruhu goobo rag oo kali ah ayay ahaayeen.

Qardhoonline.com

Be the first to comment

Leave a Reply